Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Rasmi: Rafeal De Silva Oo manchester United Isaga Tagay Lyon-na Ku Biirey.

$
0
0

Rafeal De Silva wiilka reer Brazil ee daafaca dambeedka midig uga ciyaara kooxda Manchester United ayaa waxaa uu bogiisa Twitter-ka ku cadeyey in uu isaga tagay kooxdiisi hore ee Manchester United.

Xiddigan reer Brazil ayaa waxaa uu intaa sii raaciyey in uu ku birayo kooxda Lyon ee reer France oo ah kooxda mudooyinkanba aadka loola xiriirinayey in uu ku biirayo.

Wiilkan 25 jirka ah ayaa waxaa uu aad ugu mahad celiyey kooxdiisi Manchester United iysagoona sheegey in kooxdani ay tahay koox uusan marnaba hilmaami doonin meel walba oo uu ka tago.

” Manchester United waa halkii aan ku indho furtey marka lagama yaabo in aan hilmaamo, mama hilmaami dooni” sidaasi waxaa yiri Rafael.

Xiddigan ayaa war hadda soo baxayna waxaa uu sheegayaa in uu toos ugu biirey kooxda Lyon isagoona u saxiixey heshiis 4 sanadood ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles