Kooxda reer Taliyaani ee Juventus ayaa waxaa ay xaqiijisey in xiddigeeda Sami Khedira uu ka maqnaan doono labada bilood ee soo socota kooxdiisa isagoo uga maqnaan doona dhaawac uu qabo darteed.
28 jirkan ayaa xagaagan waxaa uu kooxda Juventus kaga soo biirey dhanka kooxda Real Madrid kadib markii uu ka dhamaadey heshiiska uu kooxdaasi kula joogey.
Xiddigan reer jarmal ayaa waxaa uu dhaawac culusi uu ku soo gaarey kulan saaxibtinimo oo ay kooxdiisa Juventus la ciyaareysey kooxda Marselle ee reer France, waxaana uu dhaawacaasi ku sababey xiddigan in mudo laba bilood ah loo jero in uu garoomada ka maqnaado.
Khedira ayaa waxaa uu kamid ahaa xiddigihii xulka qaranka dalka Jarmalka la qaadey koobkii Aduunka ee sanadkii hore Brazil lagu qabtey.