Aaron Ramsey xiddiga qadka dhaxe uga ciyaara kooxda Arsenal ayaa waxaa uu sheegey in ku guuleysiga koobkan Comunity Shield-ka in uusan aheyn wax weyn marka koox Arsenal oo kale ah loo eego.
Arsenal ayaa shalay waxaa ay gool kaga adkaatey kooxda Chelsea oo ay sidaa kaga guuleysatey koobka Community Shield-ka oo markii labaad oo xiriir ah ay shalay ku guuleysatey.
Haddaba Aaron Ramsey ayaa sheegey in Arsenal ay markan diyaar u tahay ku guuleysiga horyaalka ingriiska isla markaana la joogo xiligii ay ku guuleysan laheyd horyaalka.
” Waxaa markan la joogaa xiligii ay Arsenal ku guuleysan laheyd Horyaalka ingriiska wax walboo dhacana waan ku guuleysan doonaa horyaalka xili ciyaareedkan” ayuu yiri Ramsey oo saxaafadda la hadley.
Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale labadii xili cyaareed ee ugu danbeysey waxaa ay ku guuleysaneysey koobka FA Cup-ka.