Claudio Marchisio ayaa saadaaliyay AC Milan iney tahay kooxda ugu cad cad ee Juventus sanadkan kula tartami karta horyaalka Serie A.
Cajuusta ayaa qaadeysay horyaalka Serie A afartii sano ee la soo dhaafay waana tan iyo AC Milan oo 2011 koobkan qaaday.
Milan ayaa xagaagii hore ku dhameysatay kaalinta 10 aad waxaana kooxda ay ceyrisay Filippo Inzaghi kaas oo lagu badalay Sinisa Mihajlovic.
“Milan waxay awood u heshay inay la soo saxiixato ciyaartoy muhiim ah, waxay doonayaan inay marwalba guulaystaan kulamada ay ciyaarayaan iyo waliba inay ku guulaystaan koobab, sidaas darteed kulankoodu ma ahan mid fudud ayuu yiri ciyaaryahanka Juventus.