Theo Walcott ayaa maanta u saxiixay Arsenal heshiis mudo afarsano oo kale uu kula sii joogayo kooxda Arsenal.
26 jirkan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Arsenal maadaama halsano ay ugu harsaneyd heshiiskiisa.
Laakiin Arsene Wenger ayaa ka soo horjeestay Theo Walcott inuu ka tago kooxda.
Heshiiskan cusub ayaa ciyaaryahanka waxaa uu ku sii heynayaa garoonka Emirates Stadium ilaa sanadka 2019.
Theo Walcott ayaa bartiisa Twitterka ku muujiyay dareenkiisa farxadeed ee heshiiskan cusub.
Ready for the season ahead. Thank you to @Arsenal & Key Sports Management. #COYG !!!!! pic.twitter.com/ohb7aE9KLU
— Theo Walcott (@theowalcott) July 31, 2015