Arsenal ayaa ku dhawaaqday goor dhow waxyar kadib heshiiska Walcott in isagana ay heshiis cusub kala saxiixatay Santi Cazorla.
Laakiin Arsenal ayaan shaacin ilaa inta uu la egyahay heshiiska ciyaaryahanka Spain ay ka saxiixdeen.
30 jirkan ayaa 27 gool u dhaliyay Arsenal 148 kulan uu u ciyaaray Arsenal tan iyo markii uu Malaga kasoo biiray 2012.
Cazorla ayaa 73 kulan u saftay sidoo kale dalkiisa Spain halka 11 gool uu u dhaliyay.