Weeraryahankii hore Liverpool Luis Suarez ayaa sheegay horyaalka England ee Premier league inuu yahay horyaalka ugu fiican Adduunka.
Ciyaaryahanka Uruguayan ayaa ka tagay xagaagii hore Liverpool waxaana lacago qaali ah uu ugu wareegay Barcelona.
Suarez ayaa qirtay inuu ka tagay 12 bilood ka hor horyaalka ugu fiican Adduunka.
Suarez ayaa u sheegay ESPN Premier league inuu ka fiican yahay horyaal waliba xitaa La Liga laakiin Barcelona waa kooxda ugu fiican Adduunka ayuu yiri.
Suarez ayaa rajeynaya Barcelona iney noqoto sanadka dambe kooxda ugu horeysay oo si xiriir ugu guuleysata Champions league.
31 gool ayuu xagaagii dambeeyay ee Liverpool uu ka soo tagay Suarez dhaliyay wallow uu ku guuldareystay inuu la qaado Liverpool horyaalkeedii ugu horeeyay Premier league.