Kabtanka Chelsea John Terry ayaa carbaabiyay weeraryahankooda cusub ee Radamel Falcao kahor kulanka Arsenal ee Sabtida.
Falcao ayaa ku fishilmay Man United xagaagii hore oo 29 kulan horyaalka uu u dhaliyay afar gool oo qura.
Sabtida waxaa la rajeynayaa Radamel Falcao inuu si buuxda u safto kulanka Community Shield ay la ciyaarayaan Arsenal maadaama Diego Costa uu dhaawacan yahay.
Laakii Terry ayaa qaba Falcoa inuu ka baxsan doono waliba goolal dhalis uu u ooman yahay.
“Radamel Falcao waa ciyaaryahan dhaq dhaqaaq badan oo aan la joojin Karin isaga iyo Harry Kane waa xiddigihii ugu ficnaa ee aan sanadkii hore ka hor imid ayuu yiri Terry.
John Terry ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin iney gacanta ku soo dhigaan weeraryahankan weyn.