Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Real madrid oo ay seddex kulan u hartay iyo Benitez oo ku mashquulsan xulkiisa 25-ka

$
0
0

1438329262_592689_1438329388_noticia_normal

Macalinka Real Madrid Benitez ayaa seddex kulan oo qura u heysata inuu kala ogaado cida u qalanta booska 11-ka ciyaaryahan ee garoonka u galeysa iyo guud ahaan 25-kiisa ciyaaryahan ee 2015-16 .

Real Madrid waxaa joogo xiddigo waa weyn oo ka careysan boos la’aan halka kuwa cusub ay ku soo biireen.

Benitez ayaa kulamadii ugu dambeeyay saaxibtinimo waxaa uu wada tijaabinayay ciyaaryahanadiisa sii uu u xusho 11-kiisa ciyaaryahanka ee garoonka u galaya.

Seddex kulan oo saaxibtinimo ayaa haatan u harsan Real Madrid oo ka qeybgaleysa koobka Bayern Munich ay dhigto ee Audi Cup.

Tallaadada soo aadan Tottenham ayey la ciyaareysaa Audi Cup halka midkood Munich iyo Milan ay maalinta xigta la ciyaari doonto.

Kulankooda ugu dambeeya ee saaxibtinimo Norway ayey kula ciyaarayaan kooxda Tippeligaen side 9-ka bisha August.

Kadib kulankooda ugu horeeya La Liga ayey 23-ka bisha August la ciyaarayaan kooxda Sporting Gijon.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles