Xiddiga Arsenal Joel Campbell ayaa lagu wadaa inuu ka tago Gunners oo amaah uu ugu wareego kooxda Palermo ee Taliyaaniga.
Xiddiga Costa Rica ayaa sanadkii hore amaah ugu ciyaarayay kooxda David Moyes ee Real Sociedad laakiin waa ay ka baxday in si joogto ah ay u iibsato.
23 jirkan ayaa raba inuu ogaado goorhore kooxda uu u ciyaarayo waxaana Daily Star ay sheegeysaa Serie A iney wadadiisa tahay.
Arsenal waxaa ay dooneysaa iney iibiso weeraryahanka laakiin Palermo ma awoodo in £7milyan ay ku iibsato.
2011 ayuu ku soo biiray xiddigan Arsenal kaliyana waxaa uu u saftay 10 kulan.