Kooxda Roma ee wadanka Taliyaaniga ayaa la sheegayaa in heshiis ay la gaartay weeraryahanka Man City Edin Dzeko.
Kooxda Serie A ayaa wali gor gortan kula jirta City sidii ay ugu iibsan laheyd ciyaaryahanka Bosnia inta uusan suuqa kala iibsiga Xermin.
Sky Sports waxaa ay leedahay Roma in heshiis ay la gaartay Dzeko oo uu Taliyaaniga u soo duuli doono si uu tijaabada caafimaad u maro.
Kani waxaa uu noqonayaa saxiixii labaad ee weyn Roma ay sameyso kadib Mahomad Salah oo Chelsea ugu soo biiray.