Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Barcelona oo u ogolaatay Pedro inuu ku biiro Man United kadib Finalka Super Cup

$
0
0

pedro-rodriguez-barcelona

Barcelona ayaa la sheegay iney dib u dhigtay ku biirista Pedro kooxda Manchester United oo raadineysay taasna waxaa ka dhigeysaa inuu seegayo furitaanka ciyaaraha Premier league.

28 jirkan ayaa ah bartilmaameedka ugu horeeya ee u badalaya Man United Robin van Persie  oo ku biiray Fenerbahce.

Man United ayaa fileysa hadii Di Maria £44milyan uu ugu wareego PSG in Pedro ay la soo wareegaan maalmaha soo socda.

Laakiin The Express ayaa sheegeysa Barcelona iney u ogolaan doonto Pedro inuu ka tago Cam Nou kadib kulanka Barcelona iyo Sevilla ay ciyaarayaan 11-ka August Finalka Super Cup maadaama Messi iyo Neymar aysan wali taam u aheyn ineyn ciyaaraan kulankaas maadaama aysan qaadan tababar badan.

Taas waxaa ay ka dhigeysaa Pedro inuusan ciyaari Karin kulanka ugu horeeya horyaalka oo Man United ay la ciyaareysa 8-bisha August kooxda Tottenham Hotspur.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles