Stevan Jovetic ayaa la rajeynayaa inuu u duulo Taliyaaniga si uu maalinta Tallaadada tijaabada caafimaad uu ugu maro kooxda Inter Milan.
€15milyan ayaa la rajeynayaa inuu ugu wareego kooxda Milano ka dhisan 25 jirkan.
Jovetic ayaa go’aan ku gaaray inuu ka tago Man City kadib markii xagaagii hore ay ka reebeen Champions league.
Corriere dello Sport, Sky Sport Italia iyo Ilo kale oo muhiim ah ayaa sheegaya Jovotic inuu marayo tijaabada caafimaad Tallaadada.