Roberto Firmino ayaa ku guuleystay inuu ka gudbo tijaabada caafimaad ee Liverpool kadib markii bishii hore uu £29million uga soo wareegay kooxda Hoffenheim ee wadanka Germany.
Dhaqtarka Liverpool Andy Massey ayaa xiddiga tijaabadan caafimaad waxaa uu ku marsiiyay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil oo dalxiis uu ku joogo haatan.
Roberto Firmino oo weerarka dhexe ka ciyaara ayaa noqday xiddiga labaad ee taariiqda ugu qaalisanaa Liverpool suuqa kala iibsiga waxaana uu isbuucii ka qaadanayaa £100,000.

Dhamaan xiddigaha kooxaha Premier league ayaa isniinta ku soo laabanaya tababarka kooxahooda laakiin 23 jirkan waxaa fasax siiyay tababare Brendan Rodgers maadaama uu ciyaaraya Coppa America.