Xiddiga ugu goolasha badan taariiqda koobka Adduunka ee Miroslav Klose ayaa rajaynaya xiddiga ay isku dalka yihiin ee Thomas Muller inuu jibin doono rikoorkiisa.
Miroslav Klose ayaa dhaliyay goolkiisii 16 aad ee koobka Adduunka kulankii 7-1 dalkiisa uu ugu badiyay Brazil waxaana uu noqday ninka ugu goolasha badan.
Thomas Muller oo 10 gool ka dhaliyay koobka Adduunka ayuu saadaaliyay hadii uu taam ahaado inuu jibin doono rikoorkiisa.
“Thomas Muller ayaa noqon doona xiddiga ugu goolasha badan koobka Adduunka,waxaa uu horay u dhaliyay 10 gool,hadii uu caafimaad sii qabo,waa uu sii ciyaari karaa labo koob Adduun oo socda ayuu yiri Klose oo la hadlayay BILD.
Klose ayaa kula biiray Per Mertesacker iyo Philipp Lahm xiddigaha Germany ee ka fariistay ciyaaraha xulka kadib koobkii Adduunkii oo ay iyagu ku guuleysteen.