Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Barcelona oo ku dhawaaqday heshiis ay la gaartay Arda Turam…

$
0
0

Inkastoo kooxda Barcelona ay dulsaaran tahay ganaax aysan ciyaartooy kusoo iibsan karin ayay misana £29million kusoo iibsatay ciyaaryahanka reer Turkey iyo kooxda Atletico Madrid Arda Turan.

Heshiiska ay Arda Turan kula gashay ayaa dhigaya in mudo shan sanno ah uu kooxda Barca ka mid ahaan doono iyadoo lacagaha lagu soo iibsaday lagu sheegay £29million oo Bound ama (€41million oo Euro).

Barcelona and Club Atlético de Madrid have reached an agreement for the transfer of Arda Turan player at the club. FC Barcelona reserves the right to sell the player in the Atlético de Madrid until 20 July.

28-jirkaan ayaa waxaa aad u danaynaayey kooxaha Chelsea iyo Manchester United hase yeeshee waxaa saxiixiisa ku guuleysatay kooxda sedexda koob hanatay sannadkaan ee Barca isagoo ka ciyaari doona garabka bidix ama midig ee weerarka.

Barcelona ayaa bixin doonta £24million iyadoo gadaal ka bixin doonta haduu dhaxalgal noqdo ciyaaryahankan kana soo baxo sidii looga baahnaa £5million oo dheeri ah.

Heshiiska ayaa dhigaya in uu dib ugu laabto kooxdiisa Atletico ka hor July 20-keeda oo madaxweyne loo dooran doono cida ku guuleysata 18 July, kaasoo ka amba qaadi doona heshiiska cusub ee ciyaaryahankan.

Ciyaaryahankan ayaa dalbaday tababaraha kooxda Lous Enrique wuxuuna doonayaa inuu tartan galiyo ciyaaryahanadiisa weerarka ka ciyaara.

Barcelona iyo Turan oo heshiis shan sanno ah wada gaaray ayaanan u ciyaari doonin ilaa laga gaarayo bisha Janaayo oo ganaaxa ka idlaan doono. Ganaaxa la saaray ayaanan wax dhibaato ah kala kulmin maadaama ay ku guuleysteen koobka horyaalka, Copa del Rey iyo Champion League-ha xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Turan ayaa waxaa la mid ah ciyaaryahanka garabka difaaca ka ciyaara ee Aleix Vidal oo heshiis rasmi ah ugu soo wareegay kooxda Sevilla bishii hore.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles