Xiddigii hore Manchester United NANI ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga kadib markii £3.5milyan uu ugu wareegay kooxda Fenerbahce.
Xiddiga reer Portugal ayaa kamid ah ardaydii Alex Ferguson uu uga tagay kooxda.
Taageerayaal fara badan oo kooxdiisa cusub ayaa soo dhaweeyay xiddiga taas oo ku abuurtay dareen farxadleh.
8 sano uu la joogay Man United waxaa uu la qaaday koobab waa weyn waxaan la filayaa inuu tijaabada caafimaad u maro kooxdiisa cusub.
Nani ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay Fenerbahce waxaana uu balan ku qaaday inuu koobab u qaadi doono.



