Liverpool ayaa u muuqata iney ku dhawaaneyso la wareegida Christian Benteke oo £32.5milyan ku fadhiya.
Brendan Rodgers ayaa wali raadinaya badalka Luis Suarez oo ay buuxin waayeen xiddigaha uu sanadkii hore uu la soo saxiixday ee Mario Balotelli iyo Rickie Lambert.
The Express ayaa sheegeysa Liverpool in toddobaadkan ay dalab rasmi u direyso xiddiga Villa.
24 jirkan ayaa iska diiday inuu ku biiro Spurs waxaana uu ka dooranayaa Liverpool/
101 kulan uu u saftay Villa ayuu u dhaliyay 49 gool.