Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Taariiqda Kulanka Derbiga Serie A ee kooxaha Roma ? – ? Juventus

$
0
0

Kooxaha Roma iyo Juventus ayaa raadinaya caawa guushoodii ugu horeysay horyaalka Serie A.

Xiddigaha Cusub ee labadan koox Guadrado iyo Digne ayaa la rajeynayaa iney saftaan kulankoodii ugu horeeyay.

Kulanka: Roma ? – ? Juventus

Garoonka: Stadio Olimpico, Roma

Garsooraha: N. Rizzoli

Saacada:7:00 fiidnimo

Maalinta:Axad

Taariiqda: August 30, 2015

Kooxaha Juventus iyo Roma ayaa ugu badnaan waxaa ay heystaan kulankan xiddigahooda ugu muhiimsan.

Pronostici-Serie-A-Roma-Juventus-10-Maggio-foto

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

Kani waxaa uu noqon doonaa kulankii 163 aad Serie A ee dhexmara kooxaha Roma iyo Juventus, Bianconeri ayaa badisay 77 halka Roma ay adkaatay 37 waxaana ay bar baro ku kala tageen 48.

Ma jirto koox aan aheyn Juventus oo Serie A ka badisay kulumada ugu badan Roma.

Roma ayaa badisay hal jeer 10-kii kulan ugu dambeeyay horyaalka Serie A ay la ciyaartay Juventus,seddex  bar baro lixna guuldaro .

Sanadkii 2013 ayaa ugu dambeysay Roma iney ka  badiso Juventus horyaalka Serie A markaasna waxaa ay ku badiyeen gool uu u dhaliyay Francesco Totti.

Juventus ayaa ku guuldareysatay halmar uun iney gool ka dhalin weyso Roma horyaalka 20-kii kulan ugu dambeeyay.

Roma kama aysan dhalin Juventus wax ka badan hal gool 7-dii kulan ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda ku marti qaaday horyaalka.

Ma dhicin Taariiqda in Juventus laga badiyo labada kulan ugu horeeya horyaalka Serie A.

Francesco Totti ayaa kaga dhaliyay Juventus horyaalka Serie A sagaal gool laakiin hal gool uun ayuu ka dhaliyay lixdii kulan ugu dambeeyay horyaalka uu kaga horyimid garoonka Olimpico..

Totti ayaa hal gool u jira inuu goolkiisii 300 ee kulumada caalamiga ah uu Roma u dhaliyo 743 kulan uu u saftay tartamada oo dhan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles