Roberto Mancini ayaa ka codsaday xiddigihiisa ineysan yasin kooxda heerka labaad ka soo dalacday ee Carpi
Kulanka: Carpi ? – ? Inter
Garoonka: Stadio Alberto Braglia, Modena
Garsooraha: D. Massa
Saacada:9:45 habeenimo
Maalinta:Axad
Taariiqda: August 30, 2015
Xaqiiqooyinka ciyaarta.
Kani waxaa uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay Abid ay iska horyimaadaan kooxaha Carpi iyo Inter.
Xagaagii hore Inter ayaa dhalisay kulanka labaad furitaanka horyaalka goolasha ugu badan waxaana ay garoonkeeda 7 gool ugu adkaatay Sassuolo.
Geoffrey Kondogbia ayaa sameeyay seddex shuut kulankii hore ee Atalanta taas oo ka dhigan inuu yahay xiddiga sameeyay shuudadka ugu badan kulanka furitaanka horyaalka Serie A.
Stefan Jovetic ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay Montenegro ee Inter abid gool u dhaliya.