Kooxda Ac Milan ayaa waxaa ay caawa kulan xasaasi ah la ciyaartey kooxda Empoli waxaana kulanka uu ahaa mid kulamadda aadka daawashadooda loo wadda sugaayey.
Kooxda Ac Milan ayaa daqiiqadii 17aad bilowdey goolka kadib markii uu gool u dhaliyey weeraryahankeeda Bacca waxaana ciyaartaas ay noqotey gool iyo waxba.
Empoli ayaa kadib 3 daqiiqo waxaa ay iska soo gudey goolkii lagu lahaa waxaana ay ciyaarta ka dhigtey barbaro gool iyo gool ah.
halfkii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatey barbaro gool iyo gool ah.
Ciyaarta ayaa dib la isugu soo noqdey waxaana ay labadda kooxoodba bilaabeen weerar iyo weerar celis ah.
Daqiiqadii 68aad ee ciyarta ayaa kooxda Ac Milan waxaa ay dhalisey goolkeedi labaad, waxaana ay ku dhamatey ugu danbeyn laba gool iyo gool.