Van Gaal ayaa doonaya inuu guul gaaro kulankiisa 50 aad ee isagoo tababare Man United ah maadaama kulankiisii ugu horeeyay horyaalka ay aheyd Swansea kooxda guuldarada ku soo dhaweysay.
Kulanka: Swansea City ? – ? Manchester United
Garoonka: Liberty Stadium, Swansea
Garsooraha: M. Atkinson
Saacada:6:00 maqribnimo
Maalinta:Axad
Taariiqda: August 30, 2015
Man United waxaa ka dhaawacan xiddigaha kala ah Phil Jones iyo Adnan Januzaj .
Xaqiiqooyinka ciyaarta.
Swansea City ayaa badisay labadii kulan Premier league ay xagaagii hore la ciyaartay kooxda Manchester United iyagoo soo gaba gabeeyay 8 kulan ay kaga badin waayeen horyaalka,2 bar baro lixna guuldaro.
Manchester United ayaa ku guuldareysatay iney dhaliso gool seddex kamid ah shantii kulan ugu dambeeyay Premier league ay banaanka ku soo ciyaartay.
Swansea ayaa badisay seddex kamid ah afartii kulan ugu dambeeyay tartamada oo dhan ay la ciyaartay Man United waxaana ay ugu badineysay dhamaan kulumadaas 2-1.
Goolhaye Sergio Romero ayaa ku soo bilowday safka hore United seddexdii kulan ugu horeeyay horyaalka wax gool ahna lagama dhalin.
Ma dhicin tan iyo 2011 goolhaye ku cusub United in shabaqiisa uu ilaashto afarta kulan ugu horeysa horyaalka waxaana uu ahaa ninka sidaa sameeyay Anders Lindegaard.
Jonjo Shelvey ayaa abuuray fursadaha ugu badan ee gool taas oo ka badan xiddig waliba oo Premier league xagaagan waana 13.
Bafetimbi Gomis ayaa dhaliyay 8 gool sagaalkii kulan ugu dambeeyay Premier league uu u saftay Swansea City.
Gomis ayaa noqon kara xiddigii ugu horeeyay Swansea City oo gool dhaliya mid kasta oo kamid ah afarta kulan ugu horeeyay horyaalka Premier league.
Wayne Rooney ayaan gool ka dhalin haatan Premier league sagaal kulan,kaliya halmar ayey xirfadiisa ku dhacday in 10- kulan uusan gool ka dhalin Premier league waana intii u dhaxeysay Aug ilaa Dec sanadkii 2003 markaas uu ka tirsanaa Everton.
Manchester United ayaa badisay labo kamid ah 12-kii kulan ugu dambeeyay horyaalka ay kusoo ciyaartay garoonka Swansea,7 waa laga badiyay seddexna bar baro.
Kaliya halmar ayey dhacday in Man United ay ku bilaawato afarta kulan ugu horeeya Premier league in gool laga dhalin waayo waana 1997-98.