Lionel Messi ayaa u qalma in la siiyo xagaagan xiddiga ugu fiican Adduunka waxaa sidaas qaba madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu.
Messi ayaa xalay loo doortay xiddiga ugu fiican Qaarada Yurub inta uu socday isku Aadka koobka horyaalada Qaarada Yurub.
28 jirkan ayaa jibiyay xagaagii hore rikoorka Telmo Zarra oo ahaa ninka ugu goolasha badnaa Taariiqda horyaalka Spain ee La Liga.
58 gool ayuu dhaliyay sidoo kale tartamada oo dhan xagaagii hore.
Cristiano Ronaldo ayaa labadii sano ee hore ku guuleysanayay abaalmarintan laakiin Josep Maria Bartomeu ayaa qaba Messi sanadkiisa inuu yahay.
“Lionel Messi ayaa ah xiddiga ugu fiican Adduunka waana ognahay inuu u qalmo,wax badan oo dadaal ayuu ka sameeyay ciyaaraha.
“waxaa ay siiyeen koobka xiddiga Yurub waana in sidoo kale la siiyaa xiddiga ugu fiican Adduunka.
43 La Liga,10 gool Champions league iyo shan gool oo Copa del Rey ayuu dhaliyay Messi xagaagii hore.