Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Victor Valdes oo ku dhow inuu kula biiro Van Persie horyaalka Turkiga

$
0
0

Kooxda Turkiga ee Besiktas ayaa ku dhow inta uusan xermin suuqa kala iibsiga iney la soo wareegto goolhayihii hore Barcelona Victor Valdes.

Victor Valdes ayaa ka tirsan haatan kooxda England ee Man United waxaana ay isku dhacsan yihiin tababare Van Gaal.

290878BE00000578-0-image-m-22_1440593992153

Kooxda Turkiga ayaa ku dooneysa xiddiga heshiis labo sano waana dalab soo jiidinaya Valdez maadaama uu rabo inuu ka hayaamo Old Trafford.

33 jirkan ayaa waxaa lagu ciqaabay isaga iyo ninka ay isku wadanka yihiin ee David de Gea iney la tababartaan kooxda da’yarta.

Fenerbahce ayaa sidoo kale dooneysa goolhaye Valdez  taas oo horay u iibsatay xiddigihii hore Man United Robin Van Persie iyo Nani.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles