Ander Herrera ayaa caawa boorka iska jafi doona oo ciyaaraya kulanka Champions league ee Man United ay la ciyaareyso kooxda Club Brugge.
Safka hore ayaa la sheegay inuu ku soo bilaaban doono caawa kaas oo uusan mudooyinkan uga baran tababare Louis van Gaal.
Xiddiga qadka dhexe Spain ayaa Old Trafford uga soo biiray kooxda Athletic Bilbao sanadkii 2014.
8 gool ayuu u dhaliyay 22 kulan uu xagaagii hore ugu soo bilowday safka hore Man United.
Kadib imaanshihii Bastian Schweinsteiger iyo Morgan Schneiderlin waxaa uu waayay Herrera booska safka hore waxaana uu haatan u ciyaaray labo kulan oo badal uu ku soo galayay.
Manchester Evening News ayaa sheegeysa maadaama United ay ku soo badisay 3-1 kulankii hore in Van Gaal uu go’aansaday 26 jirkan inuu ciyaarsiiyo.
Marouane Fellaini ayaa sidoo kale la filayaa inuu safka hore ku soo bilowdo.