Tababaraha Real Madrid Rafael Benitez ayaa ku kalsoon in kooxdiisa ay la imaan doonto goolal isbuucyada soo aadan.
Los Blancos ayaa ku furatay gaabis kadib markii ay bar baro goolal la’aan ah ay la gashay kooxda Sporting Gijon.
Benitez ayaa kulanka soo socda waxaa ay kooxdiisa la ciyaareysaa kooxda Real Betis waana maalinta Sabtida.
“Waan hubaa goolasha wey imaan doonaan, Hadii aan sii wadno xoojinta daafeceena natiijadda wey imaan doonta sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu u sheegay Marca.
Dhinaca kale Cristiano Ronaldo ayaan ku qanacsaneyn falsada cusub ee Benitez uu doonayo inuu ku maamulo Real Madrid.