Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Rasmi: Daafaca Barcelona Ee Alves oo la xaqiijiyey mudada rasmiga ah ee uu garoomada ka maqnaan doono kadib dhaawiciisi xalay.

$
0
0

Daafaca kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil Daniel Alves ayaa lagu soo waramayaa in uu garoomadda ka maqnaan doono mudo bil ah.

dani-alves-barcelona

Alves ayaa kulankii xalay ay kooxdiisa la ciyaartey kooxda Atletico Bilbao ayaa waxaa looga saaray dhaawac soo gaarey kaa oo iminka la shegayo in mudo ku siman bil uu garoomada uga maqnaan doon dhaawacaasi.

Raajo la marsiiyey maanta ayaa lagu ogaadey in xiddigan uu garoomada uga maqnaan doono mudo bil ah dhaawacii xalay soo gaarey oo uu ka soo gaarey dhinaca muruqa.

Sidoo kale waxaa la sheegey in Busquets uu dhaawaciisa yahay mid fudud kadib markii isagana xalay canqowga ay wax ka soo gaareen.

Barcelona ayaa kulankeeda labaad ee horyaalka waxaa ay gurigeeda ku qaabili doontaa kooxda Malaga maalinimadda axada ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles