Xiddiga Chelsea Pedro ayaa dib ugu laabtay Barcelona 24 saac kadib markii uu guul weyn la gaaray Blues.
Pedro ayaa sababta Spain uu ugu laabtay waxaa ay aheyd inuu soo macsalaameeyo saaxibadiisa maadaama dag dag uu kaga soo tagay maalin hore isagoon macsalaameyn.
£21million ayuu Chelsea ugu wareegay Khamiistii waxaana uu u saxiixay heshiis afarsano.
Barcelona waa halka uu Pedro ku soo baxay waxaana uu u dhaliyay 99 gool 318 kulan uu u saftay.
20 koob ayuu la qaaday Pedro mudadii uu la joogay Barcelona.
Messi,Neymar iyo dhamaan xiddigaha Barcelona ayaa soo dhaweyn fiican u sameeyay Pedro kaas oo sheegay inuusan ka qoomameyneynin inuu ka tago Barcelona.
