Manchester United ayaa si lama filaan ugu dhaqaaqday la soo wareegida weeraryahanka madow ee kooxda Southampton Sadio Mane.
Sababta ay u doonatay xiddiga ayaa ka dambeysay kadib markii saacadihii la soo dhaafay Chelsea ay ugu xoog badnaatay Man United saxiixa Pedro.
United ayaa isku sabarsiineysa weeraryahanka reer Senegalese kaas oo ay United ay dalab u dirtay isbuucii horaba.
Red Devils ayaa horay u rabtay xiddigan inta uusan ku biirin kooxda uu iminka ka tirsan yahay ee Southampton.
25 Milyan wax ka yar kuma rabto kooxdiisa halka United ay u qoondeysay ciyaaryahanka £15million.
Madaxa fulinta United Ed Woodward ayaa xiriir wanaagsan la leh kooxda Southampton kuwaas oo uu horay ugala soo wareegay Luke Shaw iyo Morgan Schneiderlin .
Rikoorka xiddiga u gaarka ah.
Sadio Mane ayaa 24 kulan u saftay Premier league Southampton,waxaa uu u dhaliyay 10 gool halka seddex uu caawiyay.
Waxaa uu heystaa xiddigan rikoorka ciyaaryahanka dhaliyay taariiqda Premier league hat-triga ugu dhaqsiyaha badan kaas oo labo daqiiqo iyo 56 ilbiriqsi uu kaga dhaliyay Aston Villa.