Aditi Chauhan waxaa ay sameysay rikoor aan horay ugu jirin kubada cagta England taariiqda.
Tani waa goolhayaha cusub kooxda West Ham ee dalka Ingriiska waxaana ay u dhalatay wadanka India.
Iney ku biirtay gabadhan kooxda West Ham ayaa ka dhigeysa iney noqotay gabadhii ugu horeysay India ee ka ciyaarta kubada cagta England.
Horay waxaa ay goolhaye ugu soo aheyd kooxda dalkeeda ee FC Goa balse waxaa ay kamid tahay haatan kooxda gabadhaha West Ham.
Heshiiskan ayaa dhacay iyadoo aynu aragnay koobkii Adduunka ee gabdhaha ka dhacay Canada iney hormar ka sameynayaan dumarka ciyaaraha kubada cagta.
CHAUHAN: Thank you to everyone all over the world for your kind comments about @aditi03chauhan today #COYI #WHUFC pic.twitter.com/FHnnhxXNzQ
— West Ham Ladies (@westhamladies) August 18, 2015
Chauha ayaa durba u safatay kulankeeda ugu horeeyay ee gabadhaha kooxda West Ham hayeeshee guuldaro ayey ku furatay taas oo ka soo gaartay kooxda Coventry.
We and the whole of India are proud of @aditi03chauhan as she is signed up by @westhamladies ! All the best, Aditi! pic.twitter.com/6gzZxmhMJD
— FC Goa (@FCGoaOfficial) August 18, 2015