Bastian Schweinsteiger ayaa muujinaya inuu u qalmo safka koowaad ee kooxda Manchester United wallow badal uu ku keeno ciyaar waliba tababare Van Gaal.
45 daqiiqo oo kaliya xiddigan uu ka ciyaaray xalay kulankii u dhaxeeyay Man United iyo Club Bruges Champions league ayuu ku muujiyay waxa uu yahay.
Rikoorka uu sameeyay xiddigan ayaa ah in isagoo badal ku soo galay ciyaarta laguna badalay Michael Carrick qeybta labaad uu sameeyay baasas gaaraya 54 waana in ka badan inta ay sameeyeen xiddigaha kooxda Club Bruges iyo qaar kamid ah xiddigaha Man United.
Kaliya 45 daqiiqo isagoo ciyaaray waxaa uu sameeyay baasas ka badan Wayne Rooney oo ciyaarayay ilaa 84 daqiiqo, Memphis Depay oo ciyaarayay 90 daqiiqo iyo Adnan Januzaj oo ciyaaray 72 daqiiqo.
Xiddigaha ugu baaska badnaa Man United xalay waxaa ay ahaayeen.
Morgan Schneiderlin (90 ciyaaray ) waxaa uu baasay 90
Daley Blind (90 mins) – 69 baas
Juan Mata (90 mins) – 68 baas
Bastian Schweinsteiger (45 daqiiqo) – 54 baas.