Wakiilka xiddiga Paris Saint-Germain Ezequiel Lavezzi ninka lagu magacaabo Alejandro Mazzoni ayaa beeniyay inter Milan iney soo dalbatay xiddiga.
Ciyaaryahanka Argentinayaa 8 gool uga dhaliyay PSG xagaagii hore horyaalka France laakiin boos joogto kuma heysto halkaas.
31 jeer oo horyaalka uu u saftay 19 kamid ah ayuu ku soo bilowday kaliya safka hore.
Lavezzi maalmahan waxaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Serie A halkaas oo uu horay ugu soo ciyaaray Napoli.
Inter ayaa ah kooxda 30 jirkan dooneysay balse wakiilka xiddiga ayaa sheegay dalab inuusan uga imaan kooxda San Siro xili uu la la hadlayay FCInternew.
Lavezzi waxaa uu dhacayaa heshiiska uu kula jiro PSG sanadka 2016.