Gerrard Pique daafaca kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa waxaa lagu soo waramayaa in la ganaaxey 4 kulan kadib markii uu kulankii todobaadkan ay la ciyaareen kooxda Bilbao uu qaatey kaarka cas.
Pique ayaa kaarka cas ku qaatey kadib markii uu aflagaado u geystey xiddig ka tirsan kooxda Bilbao kaa oo lagu magacaabo linesman.
Haddaba kulankaasi ayaa kooxda Barcelona waxaa ay Bilbao la gashey barbaro gool iyo gool ah iyadoona midaa ciyaarta ka dhigeysey in celcelis ahaan kooxda Barcelona koobka Spanish Super Cup sidaa looga qaadey.
Pique ayaa kooxda ganaaxaasi 4 kulan ah ku seegi doona kulamadda kooxdiisa ay la ciyaareyso kooxaha kala ah Bilbao, Malaga, Atletico Madrid and Levante.
Barcelona ayaa horyaalka ciyaari doonta kulankeeda ugu horeya sabtida soo socota.