Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Pedro Oo Horyaalka Ingriiska Ku Soo Wajahan Balse Aan Ku Biireyn Kooxda Manchester United (Kooxdee Buu Ku Biirayaa??).

$
0
0

Kooxda reer England ee Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka noqotey qorshaheedii ku aadanaa saxiixa wiilkii ay mudada daba joogtey ee Pedro.

Waxaan ilaa iyo iminka la ogeyn sababta dhabta ah ee Manchester United uga noqotey xiisaheedi ku aadan saxiixa Pedro oo ay in mudo ah ku raad jooggtey heshiiskiisa.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay iminka u dhowdahay saacadaha soo socdana la filayo in uu tijaabadda caafimad u mari doono kadib markii labadda kooxood iyo xiddigan ay xalayto heshiis wadda gaareen.

30 Milyan ayaa lagu sheegey in ay tahay lacagta ay Chelsea ku iibsaneyso Pedro waxaana la sheegayaa in 28 Milyan ay Chelsea iminka shubeyso halka Labadda Milyan ee haraysana ay ku xirnaana doonto sidii uu xiddigan isu muujiyo.

Waxaan ilaa iyo iminka wararkan wax war ah ka soo saarin koxda Manchester United.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles