Daafaca kooxda AS Monaco ninka lagu magacaabo Ricardo Carvalho ayaa waxaa u sheegey in si kastaba ay ka adkaan doonan kooxda Valencia kulankooda isreeb reebka Champions League-ga marka ay caawa wajahaan.
Haddaba Carvalho ayaa sheegey in uu aad u garanayo Valencia iyo awoodeeda isagoona sheegey in ay yihiin koox si wanaagsan u ciyaarta balse waxaa uu sheegey in si kastaba ay guul ka gaari doonan kulankooda caawa.
“Aad iyo aad baan Valencia u garanayaa waa koox si wanaagsan u ciyaarta balse si walbaba waan ka adkaaneynaa caawa” ayuu yiri Carvalho.
Kooxda Monaco ayaa kamid ah kooxaha doonaya in ay usoo baxaan heerka Groupyadda e Champions League-ga.