Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Xiriir Intee La Eg Baa Ka Dhaxeyaya Luke Shaw Iyo Memphis Depay???

$
0
0

Luke Shaw daafaca kooxda Manchester United ayaa waxaa uu sheegey in xiriirka saaxbtinimo iyo isfahan ee isaga iyo dhawaan galka kooxdaasi Memphis Depay in uu yahay mid aad u wanaagsan.

Xiddigan reer Holland ayaa waxaa uu xalay kooxdisa United-ka u dhaliyey laba gool isagona sidoo kale goolka seddexaad lugtiisa ku dhigey kulankii ay kooxdisa xalay 3-da gool iyo goolka uga adkaatey kooxda Club Burgge.

Haddaba Luke Shaw ayaa sheegey in isaga iyo Depay ay isla qabsadeen iminka isagoona intaa ku daray in ay isfahmeen sida uu doonayo in xiddigan uu u ciyarana uu isagu la qabsadey.

” Waan la qabsadey qaab ciyaareedka Depay oo waxaan fahmey qaabka uu doonayo in uu u ciyaaro, aad iyo aad baanan hadda isku fahaney” ayuu yiri Shaw.

Manchester United ayaa labadii kulan ee ilaa iyo iminka ay ciyaartey horyaalka ingriiska guul gaartey iyadoona haatan leh lix dhibcood oo nadiif ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles