Jordan Henderson kabtanka kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in uu qatar ugu jiro in uu kooxdisa ka maqnado safarka ay todobaadka danbe ugu anbabixi doonto garoonka Emirates ee ay Arsenal ku ciyaarto si ay halkaasi ugu soo ciyaarto.
Xiddigan Jordan Henderson ayaa waxaa ciyaartii isniintii hore ay la ciyaareen kooxda Mournemouth lagu sameyey bedel Halfkii danbe ee ciyaartaasi, bedelkaasoo loo aaneynayo in uu kulankaasi dhaawac soo gaaray.
Kadib kulankaasi macalin Rodgers waxaa u sheegey in kabtankoodan uu kulama badan oo xerada tababarka ah in uu kooxda ka maqnaan doono sabaab la xiriirta dhaawac isaga soo gaarey.
Liverpool ayaa lixda kulan ee soo socota wajihi doonta kooxahan Arsenal, Manchester United, Everton, Tottenham Hotspur, Chelsea and Manchester City.