Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Hadii Man United ay badisay, Memphis Depay waxaa uu cadeeyay inuusan faraxsaneyn

$
0
0

Memphis Depay  ayaa sheegay inuu ka xun yahay inuusan dhalin xalay hat-trick kulankii Champions league ay la ciyaarayeen kooxda  Club Brugge oo 3-1 ay uga adkaadeen.

Louis van Gaal kooxdiisa ayaa gool lagu bilaaway kadib markii uu iska dhaliyay Michael Carrick.

Laakiin Memphis ayaa shan daqiiqo kadib ku dhexqaatay kubad daafacyada Club Brugge kana dhaliyay goolka bar baraha.

2B78A8A900000578-3202617-image-a-90_1439928330501

Xalay oo habeenkiisii aheyd waxaa kale uu dhaliyay goolkii labaad.

Ciyaarta kadib waxaa uu sheegay xiddiga Holland inuu ka niyad jabsan yahay inuu hat-trick dhalin waayo oo uu iska qasaariyo fursadihii uu ku gaari lahaa.

“dabcan waan faraxsanahay inaan dhaliyo sidoo kale aan badino,waxaan abuurnay fursado badan,kaliya xoogaa ayaan niyad jabsanahay waana inaan ka faa’ideysan labo fursad oo aan seddex gool ku gaari lahaa ayuu yiri isagoo la hadlayay BT Sport.

Lug labaad ayaa jiri doonta waxaana United ay u safreysaa Club Brugge.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles