Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Chelsea oo dooneysa Pedro iney ka afduubato dhigooda Man United

$
0
0

Kadib markii madaxweynaha Chelsea uu soo jeediyay in kooxda xiddigo lagu soo daro ayuu tababaraha Chelsea Jose Mourinho ka careysiinayaa United.

Chelsea ayaa la sheegay iney dooneyso in heshiiska Pedro ay ku garaacdo kooxda ay iskudalka yihiin.

barcelona-pedro

Warkan ayaa imaanaya xili gudoomiyaha kooxda  Manchester United Ed Woodward uu u safray Spain si uu u dhameystiro heshiiska ciyaaryahanka.

Daily Mail ayaa sheegeysa wali in xiddiga hogaanka ay u heyso United laakiin Chelsea ay diyaar u tahay iney tartanka qeyb ka noqoto.

28 jirkan waxaa sidoo kale isha ku heysa Man City oo hadii ay ku guuldareysato Kevin De Bruyne u dhaqaaqeysa ciyaaryahanka qadka dhexe Wolfsburg.

Pedro ayaa kulankiisii ugu dambeeyay Barcelona u ciyaaray habeen hore.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles