Jose Mourinho macalinka kooxda reer England ee Chelsea ayaa digniin culus waxaa uu siiyey kabtankiisa kooxda ninka lagu magacaabo John Terry.
Kooxda Chelsea ayaa shalay la ciyaartey Manchester City waxaana looga adkaadey seddex gool iyo waxba kaa oo ay guusha ku raacdeey kooxda Manchester City.
Haddaba kulankaasi waxaa Halfkii danbe bedel lagu bixiyey kabtan Terry oo halfkii hore bandhigo xumo sameyey isagoona lagu bedeley Zouma.
Macalin Mourinho ayaa Terry u sheegey in qaab ciyaareedkiisa wax ka bedelo hadii uu sidan ku sii socdo waxaa uu u sheegey in uu lumin doono booskiisa kooxda.
Terry ayaa xili ciyaareedkii hore waxaa uu ciyaarey kulan walba oo kamid ah kulamadii xili ciyaareedkaas, iyo weliba sidoo kale daqiqad walba.