Real Madrid ayaa xaqiijisay goordhow iney heshiis la gaartay daafaceeda Sergio Ramos.
Heshiiskan cusub ayaa ku ilaalin doona xiddigan Real Madrid tan iyo sanadka 2020.
29 jirkan ayaa horay Real Madrid ugala jiray heshiis ilaa sanadka 2017 waana sababta keentay in Man United ay hunguriyeyso iney ka soo wadato Santiago Bernabeu.
Laakiin haatan ayey isku dhamaatay rajo kasta oo xiddigan laga lahaa inuu ku biiro Old Trafford.
Labada saac ee soo aadan ayuu qalinka ku duugi doonaa heshiiskan cusub.
Real Madrid ayaa goordhow ku cadeysay qoraal ay soosaartay xaflada ka dhaceysa garoonkooda inuu ciyaaryahanka ku saxiixii doono heshiiskan iyadoo uu ka soo qeybgali doono Florentino Perez.
Tan iyo 2005 ayuu Romos kamid ahaa kooxda Real Madrid oo uu uga soo biiray Sevilla.
400 kulan caalami ah ayuu tartamada oo dhan Real Madrid u saftay waxaana uu la qaaday seddex horyaal ,Champions league iyo koobab kale.