Macalinka Barcelona Luis Enrique ayaa kalsooni ku qaba iney Barcelona awoodi karto caawa iney ku adkaan karto natiijo lamid ah tii 4-0 ee looga soo badiyay kulankii hore.
Atletico Bilbao ayaa mucjiso ku noqotay Jimcihii oo Barcelona ka dhalisay goolashan.
Ma jirto kulan kale oo loo laabanaya waa habeenkii ugu dambeeyay Finalka Spainish Super Cup.
Luis Enrique waxyaabihi uu ka yiri kulanka caawa waxaa kamid ah”Markey Barcelona ciyaareyso wax waliba waa macquul.
Waxaa uu sheegay iney afar gool iyo wax ka badan ku badinayeen xagaagii hore wax ka badan 18 kulan.
Hadii aan sidaas oo kale aan u ciyaarno ayuu yiri sahal ayey noqon doontaa in Barcelona ay mucjiso weyn ay dhigi doonto.