Jose Mourinho macalinka kooxda reer England ee Chelsea ayaa waxaa uu sheegey in xiddigiisa Oscar uu kooxda ka maqnaan doono kulanka ay axada la ciyaari doonan kooxda Manchester City.
Xiddigan ayaa waxaa uu dhaawac ku soo gaarey maanta tababarkii kooxdiisa ay sameyneysey ee ay isugu diyaarineysey kulankaasi.
” Oscar waa uu maqnaan doonaa kulanka City waxaa uu ku dhaawacmey xeradda tabaabarka sidoo kale Courtois kooxda waa uu ka ganaaxanyhaay” waxaa qoraalkaas kooban Twitterka soo dhigey macalin Mourinho.
Kooxda Chelsea ayaa barbaro laba gool iyo laba gool ah la gashey kulankii furitaanka horyaalka ee ay la ciyaartey kooxda Swanse City.