Louis Van Gaal macalinka kooxda Manchester United ayaa waxaa uu ka hadley kulanka caawa kooxdiisa ay wajihi doonto kooxda Aston Villa.
Kooxaha Manchester United iyo weliba sidoo kale Aston Villa ayaa waxaa ay caawa ku balansanyihiin kulan ku tirsan horyaalka ingriiska wareegiisi labaad.
Haddaba macalin Van Gaal ayaa sheegey Aston Villa in ay tahay koox weyn isla markaana ay diyaar u yihiin in ay guul ka gaaraan kulanka caawa ay la ciyaarayaan kooxdaasi.
” Waa koox weyn isla markaana aad u adag si kastaba waxa anaga inga go’an in aan guul gaarno si aan ugu jirno tartanka hanashadda horyaalka” waxaa sidaasi yiri macalin Van Gaal.
Manchester United kulankii hore waxaa ay la ciyaartey Tottenham waxaana ay ku badisey hal gool iyo waxba.