Arsene Wenger macalinka kooxda reer England ee Arsenal ayaa sheegey in xiddiga weerarka kooxdiisa uga ciyaara ee Welbeck uu kooxda dhaawac kaga sii maqnaan doono laba todobaad oo hor leh.
24 jirkan ayaa kooxda dhaawac kaga maqnaa tan iyo bishii April xiligaas oo uu dhaawac ka soo gaarey canqowga, waxaana dhawaanahan la filayey in dhaawacaasi uu ka soo kabsan doono balse laba todobaad oo kale ayaa la sheegayaa in garoomadda uu ka sii maqnaan doono.
Welbeck ayaa kooxda Arsenal waxaa uu kaga soo biirey dhanka kooxda Manchester United xagaagi hore 34 kulan oo uu kooxdaasi u safteyna waxaa uu u dhaliyey 8 gool.