Lionel Messi iyo Asxaabtiisa Barcelona ayaa laga sagootiyay magaalada Barcelona iyagoo u ambabaxay magaalada Tbilisi ee caasimada dalka Georgia.
Georgia waxaa ka dhacaya Finalka Super Cup Yurub oo ay madaxa isku darayaan kooxaha Spain ka dhisan ee Barcelona iyo Sevilla.
Kulankan waxaa uu dhexmaraa kooxaha ku soo kala guuleysta Champions League iyo Europa League.
Nasiibdaro waxaa Barcelona xanuun dartii ugu maqnaanaya Neymar.
Barcelona ayaa dooneysa in xagaagan ay lix koob qaado waxaana waajibka gool dhalin uu dusha ka saaran yahay Messi,Suarez iyo Pedro oo ku soo bilaaban kara kulankan.