Taageerayaasha Arsenal ayaa maqlay war farxadleh kaas oo ah Karim Benzema inuu saacadaha soo socda ee maanta uu ka soo dagayo magaalada London si uu dhameystiro ku biiristiisa Arsenal.
Warkan ayaa imaanaya Xili maanta taageerayaasha Arsenal ku dibad baxayaan barta Twitterka waxaana ay dalbadeen inta uusan suuqa kala iibsiga xermin kahor iney la soo wareegaan Karim Benzema.
Gabar Wariye ciyaaraha soo jeedisa oo u dhalatay wadanka Venezuela ayaa laga soo xigtay warkan .
Jeinny Lizarazo ayaa Twitterkeeda ku soo qortay iney ka heshay mid kamid ilaheeda in Karim Benzema uu maanta u soo duulayo London si uu tijaabada caafimaad ugu maro Gunners.
Well…JUST IN…first time one of my sources confirmed the rumor that the plan is Benzema coming to London today for medical…let’s see
— Jeinny Lizarazo (@Jeinnylizarazo) August 9, 2015
Arsenal ayaa beerka laga xashiriyay kulankeeda ugu horeeya horyaalka Premier league waxaana 2-0 ku dhufatay kooxda West Ham.
Henry iyo tababarayaal kubada cagta ayaa Arsenal kula talinaya in Karim ay keensadaan xagaagan si ay u soo afjaraan 11-sano koob la’aan ah.