Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Harry Redknapp oo uga digay Arsenal inuu suuqa ku xermo iyagoon weeraryahan helin

$
0
0

olivier-giroud-arsenal

Macalinkii hore kooxda Tottenham Hotspur  Harry Redknapp ayaa saadaaliyay Arsenal iney ku guuleysan karto horyaalka Premier league hadii ay la soo saxiixdaan weeraryahan cusub.

Arsenal ayaa ku furatay guuldaro weyn shalay waana wax ka fog Gunners in horyaal ay qaado hadii aysan wax ka badalin weerarkeeda.

Gunners waxaa haatan ay dooneysaa weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema laakiin dhab kama ahan iney rabaan ciyaaryahanka.

Arsene Wenger oo dhowr mar weeraryahankan wax laga weydiiyay ayaa ku adkeystay in kooxdiisa ay wanaagsan tahay oo uusan u baahneyn xiddig kale.

Redknapp ayaa sheegay Olivier Giroud inuu u baahan yahay qof kale oo caawiyo balse uusan ku filneyn kaligii baahida kooxda.

Telegraph ayuu ku soo qoray”waxaa dareensanahay inuu yahay sanadkii Arsenal ay qaadi laheyd horyaalka balse hal qof waxba ma badali karo oo Arsene Wenger waxaa uu u baahan yahay weeraryahan kale inta uusan suuqa xermin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles