Warar cusub ayaa ka soo baxayay doon doonista Manchester City ee ku aadan ciyaaryahankii hore ee Chelsea Kevin De Bruyne.
Kooxda Madaxweynaha Carbeed ayaa ku kalsoon iney la wareegayaan toddobaadkan gudihiisa De Bruyne.
Daily Mail ayaa sheegeysa Man City iney kula soo wareegeyso 24 jirkan lacag dhan £46milyan toddobaadkan.
Arinta kale ee yaabka leh Daily Mail ay sheegeyso ayaa ah Man City iney doonayaan Kevin De Bruyne iney ka hor keenaan kooxdiisii hore Chelsea oo ay Axada wajahayaan.
Kevin De Bruyne oo ah xiddiga kaliya ee xagaagii hore ugu caawinta badnaa shanta horyaal ugu weyn Yurub ayaa raba inuu tuso xirfadiisa Jose Mourinho oo kooxda ka diray isaga.
De Bruyne ayaa u ciyaarayay Chelsea intii u dhaxeysay 2012-14 waxaana uu £18milyan uu ugu wareegay kooxda Germany ee Wolfsburg oo uu ku noqday wax kale.