Daafacii hore Chelsea Glenn Johnson ayaa amaan roob uga dhigay wiilka kala wada waqtiga kooxda taariqda dheer ee Liverpool Philippe Coutinho.
Glenn Johnson oo ka tirsan haatan kooxda Stoke ayaa qaba Philippe Coutinho inuu noqon doono mid kamid ah xiddigaha ugu fiican Adduunka kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxdiisa.
Meel goolka u jirta 25 yards ayuu Philippe Coutinho uga dhaliyay Stoke goolkii guusha siiyay Liverpool xalay.
Glenn Johnson ayaa sheegay ciyaarta kahorba inuu uga digay saaxibadiisa iney il gaar ah u yeeshaan xiddiga Brazil.
“waan u sheegay saaxibadey iney iska eegaan,sida ay ila tahay waa mid kamid ah xiddigaha ugu fiican Adduunka,sidaas waxaa uu u sheegay ciyaaryahankii hore England Sky Sports News:
Guushaan ayaa Liverpool ka caawisay In markii labaad ay ku soo badiyaan garoonka Britannia Stadium seddexdii sano ee la soo dhaafay.